Subscribe Us

#

Faa’iidooyinka Laga Helo Akhrinta Sheekooyinka Dhiirigelinta – Qalinkii Axmed Omaar

 6da Faa’iido ee Laga Helo Akhrinta Sheekooyinka Dhiirigelinta

Faaiidooyinka akhrinta sheekooyinka dhiirigalinta qalinkii Axmed Omaar


   Dhammaanteen waxaan u baahanahay xoog dhiirigelin leh si aan rajadeena u sii nooleyno oo aan u kordhino wax soo saarkeena iyo tayeynta jiritaankeena.

Akhrinta sheekooyinka iyo buugaagta dhiirigelinta leh waxay gacan ka geystaan in aan yeelano qorshayaal nololeed iyo in aaneynu niyad jabin ama is dhiibin markasta oo aan la kulano guuldarooyin ama aamino in aynaan jabin karin darbiga carqalada nololeed ee inagaga gudban hiigsiga xaqiijinta himilooyinkeena.

 Akhrinta sheekooyinka iyo buugaagta dhiirigalintu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan abuurida kalsoonida nafta, iyo horumarinta shakhsiyadda qofka.

Sheekooyinkani waxay mar walba taabtaan qalbiga, waxayna abuuraan shucuur; sidaa awgeed, nafteenu way raaxaysataa mar kasta oo aynu maqalno sheeko ama khudbado wanaagsan oo dhiirigelin leh.

Dhiirigelintu waa shidaalka kaa caawinaya inaad gaadho hadafyadaada iyo qorshayaashaada nololeed. 
Akhrinta sheekooyinka iyo buugaagta dhiirigalinta leh ayaa noloshaada ku abuura saameyn togan oo rajo leh. Waxay kor u qaadaan kalsoonidaada waxayna kaa caawinayaan horumarinta aragtida fog ee nolosha. Waxay kaa dhigayaan inaad garato awoodda aad noloshaada ku yeelan karto.

 

Hagahan waxaan kaga hadli doonaa 6-da faa'iido ee akhrinta sheekooyinka iyo buugaagta dhiirigelinta leh:


  1. Aaminaada Naftaada iyo Garashada Awoodahaaga Qarsoon
  2. Si Aad u Ogaato in Aadan Kaligaa Ahayn
  3. Inaad Wax ka Barato Nolosha Dadka kale
  4. Waxay kaa Caawinaysaa inaad Ogaato iney Guuldaradu Tahay Jaranjarada Guusha
  5. Waxay Balaadhisaa Aragtidaada Xagga Nolosha
  6. Barashada Waddooyinka Guusha iyo Guuldarada

Aaminaada Naftaada iyo Garashada Awoodahaaga Qarsoon

Akhrinta sheekooyinka iyo buugaagta dhiirigalintu waxay fariimo u diri doonaan maskaxdaada,waxayna galin doonaan han-sare iyo in ay ku abuuraan fikrado wanaagsan oo u horseedi kara noloshaada isbadal togan. 
Akhrinta sheekooyinka iyo buugaagta dhiirigalintu waxay kaa caawinayaan inaad soo ceshato kalsoonida iyo aaminaada kartida naftaada.
Haddii aad dareento xannibaad, waxay kaa caawin karaan inaad ka baxdo xaddidaada iyo carqaladaha nololeed ee aad dareemeyso.

Si Aad u Ogaato in Aadan Kaligaa Ahayn

Akhrinta sheekooyinka iyo buugaagta dhiirigalinta ayaa kaa caawin kara inaad ogaato in aadan kaligaa ahayn ama aaney kaligaa ku koobneyn carqaladaha nololeed, balse ay buux yihiin.  
Waxaad waayo aragnimo ka korodhsan doontaa sheekooyinka kumaan qof oo ku guuleystey jabinta xayndaabka ama darbiga kaa hortaagan isbadalka nololeed ee ka dhex guuxaya maskaxdaada.

Inaad Wax ka Barato Nolosha Dadka kale

Aad bay muhiim u tahay inaad wax ka barato khaladaadkaaga, laakiin sidoo kale waa lagama maarmaan inaad wax ka barato nolosha dadka kale iyo talaabooyinkii u sahley dib u saxa qaladaadkoodii nololeed iyo qorshayaashii u fududeeyey xaqiijinta ku guuleysiga mid lamida hadaf-yadaada nololeed ee aad aamintey in aanad xaqiijin karin.


Waxay kaa Caawinaysaa inaad Ogaato iney Guuldaradu Tahay Jaranjarada Guusha

Dib u dhac weyn oo nolosha ku yimaada waxa ay abuurtaa niyad jab, welwel, kalsooni daro iyo  aragti xun oo xagga nolosha ah; laakiin in aad noqoto qof yididiilo leh ayaa tusaale iyo xal wanaagsan aad ka heli kartaa akhrinta shekooyinka iyo buugaagta dhiirigalinta ah. 
Akhrinta sheekooyinka iyo buugaagta dhiirigelintu waxay kaa caawinayaan inaad ogaato in guul-darradu ay tahay tillaabooyinka ugu horreeya ee guusha.
Waxay Balaadhisaa Aragtidaada Xagga Nolosha
Akhrinta sheekooyinka iyo buugaagta dhiirigelinta ayaa noloshaada ku abuuraya saameyn togan waxayna balaadhiyaan aragtidaada nolosha. 
Waxay kuu fududeynayaan dib u helida kalsoonidaada iyo dhiirigelinta nafeed ee kuu sahlaya inaad wax ka qabato nolosha.
Waxay ku dareensiinayaan inaad kalsooni nafeed yeelado, inaad wax noqon karto iyo inaad abuurato yoolal iyo qorshayaal nololeed oo dardargeliya korriinkaaga shakhsiyadeed.


Barashada Waddooyinka Guusha iyo Guuldarada

Akhrinta sheekooyinka iyo buugaagta dhiirigalintu waxa ay kaa caawinayaan inaad barato waddooyinka kuu horseedi kara xaqiijinta guusha iyo isbadalka nololeed ee kaa dhex guuxaya.
Waxaad cashar ka baraneysaa in guuldaro kastaa tahay bilowga geedi socodka guusha. 
Cabsida iyo guuldaradu waa mataano; nafta ka xoree xayndaabka cabsida.
Guuldaradu waa qayb ka mid ah hayaanka  hiigsiga xaqiijinta guusha.
Ceeb maaha inaad marar badan guuldareysato inta aad loolanka iyo halganka ugu jirto ka midho dhalinta rajooyinkaaga nololeed, balse waxa ceeb ah inaad ku qanacdo in aanad waxba noqon karin ama aanad waayo aragnimo ka korodhsan guuldaroyiinka nololeed ee kusoo waajaha. 

Guuldaradu waa furaha guusha, khalad kastaa wuxuu ku baraa cashar.

Guuldarada ugu weyn ee noloshu waa inaad joojiso isku day iyo dib u sixida qaladaadkii kuu horseedey guuldarada.




Qalinkii - Axmed Maxamed Axmed (Axmed Omaar)
Hargeisa
Somaliland
Faa’iidooyinka Laga Helo Akhrinta Sheekooyinka Dhiirigelinta – Qalinkii Axmed Omaar


Somali Inspired home of inspirational stories, student success tips, articles, Ahmed Omaar Somali quotes





Post a Comment

0 Comments